Mu’assadda Al-raxma oo raashin ka qaybisay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.[Masawiro]

November 18, 2014 - Written by Editor

SAMSUNG CAMERA PICTURESGedo:-Mu,asasada Alraxma ayaa raashin ka qaybisay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo xili ay gaajo badan ka jirto meelo badan oo gobolka ka tirsan, bilihii aanu soo dhaafnay sida aadla wada socotaanba Mu,asasada alraxma waxay meelo badan ooka mid,ah Gobolkla Gedo kawaday gurmad balaaran oo isugu jiro biyo dhaamin, raashin qaybin, iyo talo bixin wanaagsan ooku aadan hababkii ay dadku ula macaamili lahaayeen xaalada qalafsan ee soo wajahday.

Meelo badan oo ka mid ah gobolka roobab ayaa ka da,ay inkastoo meelaha qaar uuku yaryahay, halka goobo badan aysan weli wax roob,ah ka di,in walina biyo dhaamin looga baahan yahay.

Maalmihii udanbeeyey waxa,ay Mu,asasada Alraxma kawaday raashin qaybin goobo ka tirsan gobolka gedo sida: Garbahaareey, Ceelcadde, Ceelguduud, iyo tuulooyin hoosyimaado degmada Beledxaawo sida: Baanyooleey, iyo Haroodi, tirada dadka loo qaybiyey raashinka waxa ay gaarayaan 700 ooqoys, noocyada raashinka laqaybiyey oo afar nooc,ah waxa,ay kala yihiin: Bariis, Bur, Sokor, iyio saliid.

Dadka raashinka loo qaybiyey oo,ah dad sabool,ah aad ayay usoo dhaweeyeen raashinka la siiyey waxay ayna u duceeyeen umadii la baxday sadaqadaan iyo kuwii loosoo dhiibay ee nasoo gaarsiiyey labadaba.

Waxaa kale oo baaq la gaarsiinayaa umada muxsiniinta.ah waxaa deegaanada qaar ka jiro macaluul iyo nafaqo darro hayso caruurta iyo dadka waayeelka,ah waxaana loogu baaqayaa walaalaha muslimiinta,ah inay gurmadka dadkaa dhibaataysan ka qaybqaataan waxaadna ogaataan alle waxba uma waayin umadda dhibaatysan ee waa imtixaan lagu jirabayo kuwa waxhaysto nabigeenana (cs) wuxuu dhahay: (allaah wuu u gargaaraa adoonkiisa inta uu adoonku u gargaayao walaalkiisa ka tabar yar)

no images were found

Wixii faahfaafin iyo xiriir ah oo ku saabsan abaarta iyo Mu,asasada Al-raxma kala xiriira:

Sh C/nuur faarax cali.

Tell: 25261-6718444.

E-mail: nur.alli99@gmail.com.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online