Safar dacwadeed oo balaadhan oo ay soo qabanqaabisay Mu,asasada Al- karam (Masawiro)
November 1, 2014 - Written by EditorHargeysa:-Safar dacwadeed oo balaadhan oo ay soo qabanqaabisay Mu,asasada Al- karam ee dacwada iyo horumarinta ayaa taariikhdu markay ahayd 28/10/2014 waxay socdaal dacwo ku soo mareen deegaano kala duwan.
Socdaalka Dacwada ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir waxaana ka mid ah deegaanada ay socdaalka dacwada ku tageen ka mid ahaa .Balikaliil, Sabawanaag, Salaxlay,Baligubadle,Gunburaha,Gumar,Balicabane,Sayla, iyo Baargoo .
Intii Socdaalka dacwada ay ku jireen culumada uu hogaaminayey Sheekh Maxamed Cumar Dirir waxaa ay deegaanada ay soo mareen ka jeediyeen muxaadaraad kala duwan waxaana ay ka hadleen mawaadiic kala duwan sida .qabyaalada ,qaadka iyo sigaarka ,cibaadada ,salaada iyo tawxiidka,- dulmiga noocyadiisa .- Seerayaasha ,-dhuxusha , dilka ,jaarka iyo arimo kale oo farabadan.
no images were found
Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa uu dadweynaha uga jawaabay su,aalo kala duwan.
Socdaalka Dacwo waxaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey culumada kala ah .
1-Sh Maxamed Xusen Cali (Deeq) gudoome xigeenka mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta
2-Sheekh Maxamed Caydiid Muxumed Imaamka iyo Khadhiibka Masjidka Bootaan ee magaalada Hargeysa.
3-Al-Ustaad C/raxmaan Xariir oo ah Iclaami Islaamiya.
4-Ustaad C/fitaax Cismaan oo ka mid ah Dhalinyarada quraada ah .
Mu,asasada Al- karam ee dacwada iyo horumarinta
Hargeysa