Shariif Xasan Sh Axmed oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
November 17, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Gudoomiyihii hore ee Barlamannka DKMG Shariif Xasan Sh Axmed ayaa loo doortey maanta Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.Cod gacan taag ah ayaa ergooyinka ay ugu codeeyeen Shariif Xasan Sh Axmed waxaana uu helay 373 cod waxana diiday 15 xubnood iyadoo ay ka aamuseen 8 xubnood.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Axmed ayaa goobta lagu dhaariyey waxaana isla maanta lagu wadaa in uu dhoofo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Osman Jawaari ayaa a warsaxafdeed u soo saarey saaka waxaana sheegay in natiija kasta oo ka soo baxda doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan aqbali doonin .
Dhanka kale waxaa ka dhacay magaalada Baydhabo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Axmed .Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu ka kooban yahay Sadexda gobol ee Shabeeblaha hoose, Bay iyo Bakool.
A/Cawale
Halgan.net