Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ”Nabadgelyada magaalada Galkacayo waa wanaagsan tahay”.[Dhagayso]

November 14, 2014 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool oo la hadlay Radio Daljir ayaa u sheegay in amaanka guud ee magaalada Gaalakacyo iyo Gobolka Mudug uu yahay mid wanaagsan Boqolkiiba Boqol.

Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug  ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool ayaa xusay in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay sameeyaan habeen walba roondo iyo howl galo ay ku xoojinayaan amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo iyagoo ciidanka ay baro Koontrool dhigtaan wadooyinka muhiimka ee isku xra xaafadda  magaaada Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Shire Dool ayaa ku goodiyey in ay talaabo adag ka qaadi doonaa cid walba oo isu dayda in ay wax u dhimaan amaanka magaalada Gaalkacyo isagoo ka codsaday dadweynaha in ay amaanka kala shaqeeyaan laamaha amaanka.

Ugu danbayntii ayaaTaliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, C/llaahi Shire Dool ayaa u mahad celiyey dadweynaha reer Gaalkacyood sidda wanagsan ee ay ula shaqeeyaan ciidanka amaanka uguna soo wargeliyaan ciddii ay ka shakiyaan

Dhianc kale maalmhii u danbeeyey ayaa  waxaa  ka socday goballada Puntland howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab waxaana howlgalada ay si baaxad leh uga socdaan magaalooyinka Gaalkacyo , Boosaaso iyo deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag iyadoo Puntland  ay ciidamo dheeri ah ay geeyeen Baran iyo Dhahar waxaana halkaas ku sugan masuuliin iyo saraakiil ka tirsan Puntland.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Daljir la yeeshay Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, C/llaahi Shire Dool

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ghravlxff5/amaanka.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online