Wasaaradda Waxbarashada DFS oo tababartay Macalimiinta Iskuulada Sare ee Aada Dugsiyada[Masawiro]

November 9, 2014 - Written by Editor

2Wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u soo xirtay tababar Macalimiinta dhawaan ay wasaraadu u qaadatay Dugsiyada sare ee Dowladda kuwaas oo lagu wado in dhawaan ay si toos ah u bilaabaan waxaan lagu qab tay Tababarka Hoteel Golobal ee Magaalada Muqdishu ee Dalkan Soomaaliya.

Xiritaanka Tababarka Macalimiinta waxaa ka hadlay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Carabow Ibraahim Nuur iyo Agaasimaha Iskuulada Dowlada Maxamed Cilmi Tooxow waxayna sheegeen in Macalimiinta labaray habka macalinnimada iyo aqnoo korosi ku saabsan sidii ay uga soo bixi lahaayeen shaqada lagu aaminay.

Ku simaha Agaasimaha Guud Carabow waxa uu intaa ku daray Iskuulada sare ee hada ay wasaaradu furtay ay yihiin ilaa sadex Iskuula sara ah kuwaas oo haatanba shaqadooda ay bilaabatay, waxaan looga baahanyahay Macalimiinta inay dardar galiyaan Shaqada.

Agaasimaha Waxaada Dugsiyada Dowladda Barre sare Maxamed Cilmi Tooxow ayaa xusay inay jiraan caqabado hortaagan Iskuulada Dowladda laakiin loo baahanyahay in laga dabaasho, waxa uuna kula dardaarmay Macalimiinta inay muujiyaan dhabar adeeg shaqada lagu aaminayna ay ka soo dhalaalaan.

Inta uu socday Tababarka ayaa waxay Macalimiinta sameeyeen working group discussion halkaas oo ay isku dhaafsadeen aragti iyo aqoon waxay ka korar sadeen Siminaarka, iyagoo u fadhiya koox koox ayaa waxaa dhex socotay Xaawo Maxamed oo dhiiragalinaysay Macalimiinta.

Xaawo Maxamed oo kamid ah la taliyayaasha Wasaarada gaar ahaan dhinaca Haweenka iyo Dadka lixaadooda ay ka maqan tahay ayaa iyaduna ka hadashay gabagabadii Tababarka Macalimiinta waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay aragto Gabdha Macalimiin ah oo doonaayo inay waxbaraan Caruurteena waana mid muujinayso sinaanta xaga shaqada raga iyo Dumarka waloow aan halkaan ku arkin tiradii aan uga baahnaa hablaha hadana waa bilaaw fiican.

Xaawo Maxamed ayaa ugu baaqday Gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay inay ku dhiiradaan sidii ay wax u bari lahaayeen Ubadka oo ay qeyb uga noqon lahaayeen Macalimiinta la doonaayo inay wax ka dhigaan Iskuulada Dowlada.

no images were found

Communication Officer Ministry of Education
(moecommunicationofficer@gmail.com)

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online