Wasiirka Amniga Puntland oo hortagay golaha Wakiilada Puntland (Dhageyso)

November 8, 2014 - Written by Editor

DSC_0006Garoowe:-Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa maanta hor tagay Xubnaha Golaha Wakiilada dowlada Puntland waxaana ay xildhibaanada weydiiyeen su.aalo kala duwan iyo waxqabadka wasaarada Amniga ee Puntland .

Kalfadhiga Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa maanta goobjoog ahaa 45 xildhibaan  waxaana shirka gudoominayey Afhayeenka Baaralamaanka Puntland Saciid Xasan Shire iyo labadiisa ku xigeen.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Xasan Cismaan Allore ayaa golaha wakiilada Puntland ka jeediyeyy khudbad uu ku soo bandhigayey waxqabdka  wasaaradiisa  isaga oo si guud uga hadlay Xaladaha Amaanka Puntland.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Allore ayaa sheegay in ay ku guuleysteen sugida amaanka gobalada Puntland wuxuuna si gaar ah u soo qaatay dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay Puntland una geysan jirtay haldoonka Puntland.

Xasan Cismaan Allore Wasiirka Amniga Puntland ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlgalo ka socda gobalada Puntland kuwaas oo lagu xaqiijinayo amaanka isaga oo xusay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen eedeysanayaan amaanka wax u dhimayey .

no images were found

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale wuxuu dhageystay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Cadaalada waxaana ay weydiiyaan su,aalo kala duwan .

Hoos ka Dhageyso Wasiirka Amniga ee Puntland Xasan Cismaan Allore

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/f1sdivdqdm/allore.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online