Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kulamo la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Italy iyo Germany(Masawiro)

November 29, 2014 - Written by Editor

DSCN6530[1]Roma:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo booqasho ku jooga maalintii labaad Magaalada Rome ee Caasimadda Italy , halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir looga hadlayo tahriibka iyo socdaalka sharci darada ah oo Midowga Yurub uu qaban-qaabiyay ayaa waxa uu kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Italy iyo Germany .

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh , ayaa la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni iyo Germany H.E. Frank-Walter Steinmeier oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya kala dhaxeeya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay wasiiradaasi kordhinta deeqaha horumarinta ah iyo tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiir Beileh ayaa la qorsheynayaa mudada uu joogo Magaalada Rome inuu la kulmo mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadli doono arrimo la xiriira Soomaaliya .

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online