Xaflad lagu daahfurayey xafiiska Mu,assasadda Al-minhaaj oo lagu qabtay degmada Galdogob.[Masawiro]

November 2, 2014 - Written by Editor

2Galdogob:-Waxaa galbanimadii jimcaha ee ku beegnayd 31/1/2014 ka dhacay hoolka sare ee masajidka jaamica ah xafladda si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah furayay xafiiska degmada Galdogob ee Mu.assasada al-minhaaj. Xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madax dawlada ka socotay iyo waliba wufuud culumo ah oo ka kala yimid Boosaaso, Gaalkacyo, Bursaalax, Daarasalaam.Sh Mahad C/laahi ayaa xafladda ku furay hadalo uu ku soo dhaweeynayo marti sharaftii xafladda kasoo qayb gashay.

Sh Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimada waawayn ee somaliyeed kana mid  ahaa wufuudii u timid ka qayb galka xaflada ayaa dadkii xaflada joogay hadalo qiimo badan madasha ka soo jeediyay wax uuna ka hadlay ilaalinta deegaanka,furida wadoyinka magaalada ,iyo in la tageero mashruca waddada Galdogob iyo Gaalkacyo.

Sheekha iyo culumadii la socotay ayaa intay joogeen magaalada sameeyey abaabul dacwadeed oo balaaran sida muxaadaraad caam ah iyo booqashooyin ay ku sameeyeen qaybo ka mid ah goobaha waxbarashada iyo isbitaalka guud ee degmada.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii xafladda ka hadlay gudoomiyaha mu.assasada minhaaj Galdogob sh Axmed dheeli oo sheegay in uu xafiiskan ka shaqayn doono horumarinta dacwada iyo arrimaha bulshada degmada Galdogob.

Gudoome ku xigeenka Mu,assasada Alminhaaj Ciise Siciid Max,ed ayaa xaflada kasoo jeediyey warbixin qoto dheer oo uu uga hadlayey taariikhda iyo waxqabadka mu,assasada. Waxaa kale oo kamid ahaa dadkii xafladda kahadlay gudoomiyaha guurtida sh Maxamud Yusuf Muuse, nabadon Maxamed Afjabay, Sh. Muuse Yuusuf Xaaji, Sh, Max,ed Siciid oo ah gudoomiyaha Mu,assasada ee gobolka Mudug, gudoomiye kuxigenka degmada C/risaaq Tooxyare, gudomiyaha gobolka mudug Tigay iyo wasirru dawlaha wasaarad arimaha gudaha ee Puntland Cali Yusuf Jaamac oo shirka soo xiray.

Dhamaantood waxay hadaladooda ku sheegeen inay soo dhawaynayaan xafiiska mu,assada lana shaqaynayaan. Xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi qurux badan oo ay u wada riyaaqeen dhamaan kusoo qaybgalayaashii.

no images were found

Mu’ssadda Al-Minhaaj
Galgogob, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online