4 qof oo shalay xukun lagu riday oo tegay xarunta maamulka Gobolka Mudug.[Daawo Video]
January 14, 2015 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka Gobolka ee magaalada Gaalakacyo ka dib markii ay saaka isku diyaariyeen ciidamo ka tirsan Birmadka in ay qabtaan xubnahaan 4 qof ah. Xubnahaan afarta ah ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay xukun lagu rido xili ay ku sugan yihiin Gaalkacyo oo aysan waxba kala soco ama aysan aadin shir ka dhacay degmada Cadaado oo maamul loogu samaynayo Gobolladda dhexe.
Afarta xubnood ee saaka saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka Gobolka ee gaalkacayo ayaa eedeyn culus u soo jeediyey Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal yo garsoorayaasha ka shaqeeya oo wax aysan hubsan ku maxkamadeeyey dad aan danbi lahayn.
Afarta xubnood ee tegay xarunta maamulka Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Warsame Qolofeey Shido.
2. Maxamed Aadan Muuse Cadooye.
3. Xuseen Maxamuud.
Hoos ka Daawo Afarta xubnood ee tegay xarunta maamulka Gobolka Mudug ee Gaalkacyo
M_M_Deeq
Halgan.net