Baarlamaanka DFS oo mar labaad oggolaadey codsigii Raisulwasaaraha DFS
January 31, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta ogalaaday in uu wakhti dheeraad ah la siiyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaana ay xildhibaanada DFS ay aqbaleen in 10 cisho la siiyo Raisulwasaaraha DFS si uu u soo dhameystiro Xukumaddisa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday Codeyntii Baarlamaanka DFS wuxuuna si rasmi ah u sheegay in xubnaha baarlamaanka DFS ay ogalaadeen codsigii Ra’iisul Wasaare Sharmaake.
Kulanka golaha Baarlamaanka DFS waxaa maanta goobjoog ka ahaa 190 Xildhibaan. waxaana codsiga Raisulwasaraha DFS aqbalay 139 xildhibaan waxaana diiday codsiga Raisulwasaare Sharmaarke 47 xildhibaan waxaana ka aamusay 4 mudane.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Sharmaake laga ogolaaday Codsigii uu maanta Baarlamaanka ka horjeediyay wuxuuna sheegay in mudada la siiyey Mr Sharmaarke uu ku soo dhameystiro golahiisa xukuumada.
Waa Markii labaad oo Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya uu Baarlamaanka ka codsado in mudo la siiyo si uu u soo dhameystiro Xukumaddiisa.
A/Cawale
Halgan.net