Baarlamaanka DFS oo mar labaad oggolaadey codsigii Raisulwasaaraha DFS

January 31, 2015 - Written by Editor

xildhibanMuqdisho:-Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta ogalaaday in uu wakhti dheeraad ah la siiyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaana ay xildhibaanada DFS ay aqbaleen in 10 cisho  la siiyo Raisulwasaaraha DFS si uu u soo dhameystiro Xukumaddisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday Codeyntii  Baarlamaanka DFS wuxuuna si rasmi ah u sheegay in xubnaha baarlamaanka DFS ay ogalaadeen codsigii Ra’iisul Wasaare Sharmaake.

Kulanka golaha Baarlamaanka DFS waxaa maanta goobjoog ka ahaa 190 Xildhibaan. waxaana codsiga Raisulwasaraha DFS aqbalay 139 xildhibaan waxaana diiday codsiga Raisulwasaare Sharmaarke 47 xildhibaan waxaana ka aamusay 4 mudane.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Sharmaake laga ogolaaday Codsigii uu maanta Baarlamaanka ka horjeediyay wuxuuna sheegay in mudada la siiyey Mr Sharmaarke uu ku soo dhameystiro golahiisa xukuumada.

Waa Markii labaad oo Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya uu Baarlamaanka ka codsado  in mudo la siiyo si uu u soo dhameystiro Xukumaddiisa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online