Bam Gacmeed xalay lagu tuuray Saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso

January 11, 2015 - Written by Editor

askarboosaasoBoosaaso:-Wararka aan saaka ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu tuuray Saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso waxaan halkaas ku dhaawacmay Laba qof.

Bamka xalay laga tuuray Saldhiga bartamaha ayaa waxaa ku dhaawacmay askari boolis ah iyo qof rayid ah oo wadada marayey .

Dhaawaca labada ruux ayaa ah mid sahlan waxaana la geeyey Isbitaalka guud ee magaalada  Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.Saraakiisha amniga ee magaalada Boosaaso ayaan wali ka hadlin Bamka xalay lagu tuuray Saldhiga bartamaha.

Ilo wareed ku sugan magaaalada Boosaaso ayaa Halgan.net u sheegay in sidoo kale dad rayid ah maqaakhi fadhiya rasaas lagu furay waxaana ku dhaawacmay laba qof waxaann weerarka uu salka ku hayaa aano qabiil .

Ciidanka Amaanka ee Puntland ayaa howlgalo galay wajiga 3aad ka bilaabay buuraha Calmadow waxaana ay Al-Shabaab ka qabsadeen Saldhigyo dhowr ah iyaga oo sidoo kale gacanta ku dhigay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo haatan loo soo gudbiyey magaalada Garoowe.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online