Daacish VS Jabhada Al-Nusra أبو ذر الجزراوي oo gaaleysiinaya Al-Qaacida Fil Shaam (Daawo)

January 11, 2015 - Written by Editor

أبو ذر الجزراويSuuriya:-Xaalada Shaam ayaa ah mid cakiran ka dib markii ay kooxo Khawaarij iyo Takfiiriyiin ah ay lugaha qabteen Mashruucii Islaamiga ahaa ee ka socda Shaam waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo baxeysa Inxiraafka kooxda Daacish.

Waxaa lagu faafiyey baraha lagu wada xiriiro ee kala taageersan kooxda Daacish ee uu amiirka u yahay Abu Bakar Al-Baqdaadi iyo kooxda Jabahada Al-Nusra lagu faafiyey eedeymo kaas oo uu jeedinayo أبو ذر الجزراوي oo ka mid ahaan jiray Jabadaha Al-Nusra oo ka tirsan Al-Qaacida waxaana wareysi uu siiyey warbaahinta Daacish uu eedeyn u jeediyey madaxda Jabhada Al-Nusra gaar ahaan Abu Maariya Al-Qaxdhaani .

Hoos ka Daawo Wareysi ay warbaahinta Daacish ka qaaday أبو ذر الجزراوي markuu ka soo goostay Jabhada Al-Nusra.


أبو ذر الجزراوي ayaa waxaa uu ka mid ahaa Jabhada Al-Nusra wuxuuna haatan u soo goostay dhanka kooxda Daacish isaga oo gaaleysiiyey cid walba oo ka dagaalanta raayada Jabhada Al-Nusra ee uu madaxada u yahay Abu Maxamed Al-Jowlaani.

Hoos ka Dhageyso أبو ذر الجزراوي oo gaaleysiinaya Jabahada Al-Nusra ee Al-Qaacidada Shaam

Daacish iyo Al-Qaacida ayaa khilaafkooda wuxuu marayaa meel aan waxba laga qaban karin waxaana ay ka siman yihiin manhajka Takfiirka oo ay aabo u ahayd Al-Qaacida balse haatan ay uga dheereeyeen kooxda Daacish .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online