Daawo Weerar ka Dhacay xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee Paris

January 7, 2015 - Written by Editor

weerarParis:-Laba nin oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ayaa waxay weerar ku qaadeen xarunta wargeys ka soo baxa magaalada Paris oo magaciisa la yiraahdo Charlie Hebdo waxaana weerarka ku dhintay  12 qof.

Weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska  Charlie Hebdo  ayaa waxaa kale oo si xun loogu dhaawacy shan qof oo kale sida ay saraakiisha Booliska magaalada Paris ay warbaahinta u sheegeen.

Labada Nin ee weerarka ku qaaday xarunta wargeysa ayaa weerarka ka dib waxay ka baxsadeen goobta waxaaa goobta soo buux dhaafiyey ciidanka Booliska ee magaalada Paris.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Holland ayaa waxaa uu cambaareeyey weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Charlie Hebdo   wuxuuna weerarka ku tilmaamay mid argagixiso.

Wargeyska weerarka lagu qaaday ayaa waxaa uu soo daabay dhowr mar oo kala duwan qoraalo lagu dhaleeceynayo Amiirka kooxda Daacish Abu Bakr al-Baghdadi iyo Islaamka .

Ma ah markii ugu horeysay ee la weeraro xarunta Wargayska ee magaalada Paris waxaana sanadkii hore dhowr mar la weeraray xarumo kala duwan oo ay leeyihiin wargeysyada ka soo baxa magaalada Paris kuwaas oo ah kuwo xag jir ah aana qarsan naceybka ay u qabaan Islaamka gaar ahaa Xijaabka.

Hoos ka Daawo Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online