Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo Canbaareeyey xariga loo geystay
January 18, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed ayaa canbaareeyey xarig shalay loo gaystay isaga iyo ku xigeenkiisa waxaana xariga u geystay ciidanka Nabadsugida ee DFS.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed ayaa ku tilmaamay xarigga loo geystay mid sharci darro ah, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey qaar ka mid ah masuuliinta maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo qeyb ka qaatay sii deyntiisa.
C/qaadir Maxamed Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ciidanka DFS gaar ahaan ciidanka nabadsugida oo fulinaya amar ka soo baxay ku xigeenka xeer ilaaliyaha DFS Maxamed Xasan Nuur ayaa shalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha degmada Xamarweyne iyo ku xigeenkiisa.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay leexsadeen raashin gargaar ah .
A/Cawale
Halgan.net