Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo Canbaareeyey xariga loo geystay

January 18, 2015 - Written by Editor

cqaadirMuqdisho:-Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed ayaa canbaareeyey xarig shalay loo gaystay isaga  iyo ku xigeenkiisa waxaana xariga u geystay ciidanka Nabadsugida ee DFS.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed ayaa ku tilmaamay xarigga loo geystay  mid sharci darro ah, wuxuuna  si gaar ah ugu mahad celiyey qaar ka mid ah masuuliinta  maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo qeyb ka qaatay sii deyntiisa.

C/qaadir Maxamed Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ciidanka DFS gaar ahaan ciidanka nabadsugida oo fulinaya amar ka soo baxay ku xigeenka xeer ilaaliyaha DFS Maxamed Xasan Nuur ayaa shalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha degmada Xamarweyne  iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed  iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay leexsadeen raashin gargaar ah .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online