Hay,adda gargaarka SAAD oo deeq lacag ah gudoonsiisay 8 iskaashato [Masawiro]

January 1, 2015 - Written by Editor

T3Jigjiga:-Hay,adda gargaarka iyo horumarinta ee deegaanka Soomalida Itoobiya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SAAD ayaa Aas’aastay sideed iskaashato oo ah kuwa kaydka iyo amaahda oo midiiba ay ka kooban tahay labaatan xubnood.

Iskaashatooyinkan ayaa laga aas-aasay saddex tuulo oo ka tirsan degmada xarshin oo kala ah (masle, baligubadle, masajidka, iyo magaalada xarshin) iyo sidoo kale afar goobood oo ka tirsan degmada jigjiga oo kala ah(cakaara, goojaarharre, yoosle, iyo celbaxay).

Iskaashatooyinkaas ayaa markii ugu horaysay la aas aasay bishii may 2014 ka islamarkana loo sameyay nidaam maamul oo ay ku kala socdaan.

Waxaana intaa wixii ka danbeeyay la siiyay tababaro gaagaaban oo ku saabsan sidii ay lacagahan wax soo saar ooga samayn lahaayeen iyaguna iskugu filnaan lahaayeen. ka hor intayna hay,adu taakulayntan soo gaadhsiinin ayaa waxay iskaashata walba iskeed u kaydsatay lacag dhan 20.000.

Hay’ada SAAD ayaa ugu dartay lacag taageero ah oo dhan 60.000 birr iskaashata walba oo ka tirsan iskaashatooyinkaas 8deeda ah  iyadoo ay wakhti xaadirkan ay bilaabeen nidaamka kaydsiga iyo amaahda waxaana raja wayn laga qabaa inay iyagu iskood u kaydsadaan lacagahooga.

Waxayna sheegeen mar aan dareenkooda waydiinay aad u faraxsan yihiin xaaladooduna iminka ay meel wanaagsan marayso.
Alle baa mahad leh.

no images were found

Waxaa diyaariyey Hay.adda SAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online