Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee QM Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe.[Masawiro]

January 20, 2015 - Written by Editor

IMG_1234Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20-1-2015 xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo Samafalka Mudane Philippe Lazzarini iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas la qaatay Philippe Lazzarini ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimaha bini’aadanimada, horumarka Puntland ka socda , Nabad gelyada Puntland, kor u qaadista wada shaqeynta u dhaxaysa dawladda Puntland iyo Qaramada Midoobay.

” Waxaan sidookale kawada hadalnay barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo meesha uu marayo, shirar badan ayaa soo socda oo UN-ku ku qabanayo Puntland oo uu ugu horeeyo shirka qeybta horumarinta ee ka dhici doona Garoowe asbuuca soo socda iyo shirar kale oo badan oo aanu rajeynayno in halkaan laysugu yimaado oo la xiriira hiigsiga cusub ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in madaxda UN-ka uu u sheegay waxa ay Puntland rabto, maadama Puntland ay taqaano mudnaanteeda iyo waxa ay rabaan shacabka Puntland.

” Puntland waa inaan loo fakerin balse waxaa muhim ah in Puntland sheegato waxa ay rabto ee horumar ah, waxaas oo idil ayaanu ka wada hadalnay shirkayaguna runtii si wanaagsan ayuu noogu soo dhammaaday” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

 -DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online