Macallin ka tirsan Jaamacadda SIMAD oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

January 7, 2015 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Macallin ka tirsan Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax bambo oo loogu xiray gaarigiisa oo marayay agagaarka Baar Fatxi ee Xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Macallinka ka tirsan Jaamacada SIMAD ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdixaliim  Axmed Nuur waxaana qaraxa Bam ka ah ee loogu xiray gaarigiisa uu ku waayey mid ka mid ah lugihiisa

Ciidanka DFS ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana ay goobta ka qaadeen Macalin Cabdixaliim  Axmed Nuur iyaga oo geeyey Isbitaalka Madiina.

Maxamed Daahir Cabdulle oo ah Taliyaha ciidanka booliska ee Hodan ayaa sheegay in qarax uu ku dhaawacmay Macalin Cabdixaliim  Axmed Nuur ay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo horey ugu gumaaday magaalada Muqdisho Dhaqaatiir ,Arday waxaana ay haatan u soo jeesteen Macalimiintii Ayuu yiri.

Kooxda Hubeysan ayaa bishii la soo dhaafay ku dishay magaalada Muqdisho alaha u naxariito Ibraahim Maxamed Xaamud oo ahaa Kuxigeenkii Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online