Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo Tacsi u direy shacabka Sacuudiga

January 23, 2015 - Written by Editor

MadaxweynahaMogadishu: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka Sacuudiga, dunida muslimka, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday boqorkii dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

”Aad baan uga xumahay ugana naxay geerida ku timid walaalkey, marna ahaa geesi ay Soomaalida ku tashato, xilliyadii adkaana, si dhow arrimaheena ula socdey, gacanna ka geystey. Waa maalin murugo badan oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayaan walaalahooda Sacuudiga tiiraanyada geerida boqorka.

Hoggaamintiisa suubban, taageerada iyo u hiilinta waddamada Muslimiinta ee dhibaateysan, waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee ay tabi doonaan bulshada Muslimiinta ee caalamka”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Boqor Cabdalla uu ahaa hoggaamiye saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka iyo tan Bariga Dhexe, laguna xusuusan doono doorkii uu ka cayaarey nabadgelyada caalamka iyo xalinta khilaafaadyada.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii Allah uga baryey marxuumka inuu Ilaahay jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, shacabka Sacuudiga iyo dunida Muslimka oo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online