Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay maanta deeq bixiyayaasha caalamiga ah.[Masawiro]

January 27, 2015 - Written by Editor

IMG_2224Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno socday Deeq bixiyayaasha caalamiga ah kuwaas oo kakala socdey dalalka England, Sweden,Finland, Australia ,USA iyo Switzerland, kuwaas  oo ay  weheliyaan Hay’adaha  UN-ka  lashaqeeya sida , UNICEF , UNFPA, WHO iyo  FAO.

Deeq bixiyayaasha lyo Hay’adihii lasocdey maanta ayaa waxaa ay u yimaadeen inay xog warran kasiiyaan Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Barnaamijyada ay maal geliyaan gaar ahaan barnaamij ay  Wasaaradda caafimaadku hormuud ka tahay hirgelintiisa, barnaamijkaas oo layidhaahdo Joint Health and Nutrition Problem (JHNP).

Barnaamijkan oo noqon doona mid loogu talo galay horumarinta caafimaadka iyo quudinta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu kamid yahay qorshaha sannadka 2015-ka la qorshaynaya in laqabto ee lagu fuliyo Puntland.

Sidookale Deeq bixiyayaasha ayaa Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas waxay warbixin ka siiyeen barnaamijkaas isaga ah ilamaa iyo hada meeshu marayo  iyo sidii loo horamarin lahaa mustaqbalka dhow.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas  ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay kuna dhiirri geliyey Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha lashaqeeyaba inay gaadhsiiyaan adeeggooda iyo Mashaariicda ay fuliyaan Degaamada kabaxsan Laamiga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa sheegay in Gobollada Sool  iyo Sanaag ilgaara lagu eego sidookalena tibaaxay in ay Mahuraan tahay in reer Guuraaga iyo dadka xoola dhaqatada ah iyagana lagu daro qorshaha taakulaynta iyo adeegga mashaariicda loogu talagalay guud ahaan gobolada Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online