Madaxweyne Gaas oo safar shaqo ugu baxay magaalada Boosaaso

January 22, 2015 - Written by Editor

IMG_2080Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas uu maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa uu u jeedkiisu yahay u kuurgelida dhismana ka socda garoonka diyaaradaha ee Bandirqaasim ee Boosaso, Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa diyaarada ay leeyihiin ciidanka badda ee Puntland ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Garoowe isagoo u tegay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweyaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo kulamo la qaadan doonaa maamulka gobolka iyo ka degmada ee Boosaaso iyo saraakiisha ciidanka amniga iyo  taliyaasha ciidanka ee Aaga Galgala iyagoo madaxweynaha siin doono warbixin ku aadan xaalada guud ee deegaanada ku xeerana Buuraha Calmadow oo dagaalo ay ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo kooxda Al-shabaab.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online