Madaxweyne ku xigeenka PL oo deegaanka Banyaal dhagax-dhigay Ceel Riig ah.[Masawiro]
January 18, 2015 - Written by EditorBuuhoodle:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji C/llaahi Cumar Camey oo ay weheliyaan wafdi ballaaran oo ka tirsan golaayaasha Dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa wali ku guda jira kormeeradii shaqo ee ay ku tageen magaalaada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn iyo deegaanada kale ee hoostaga.
Eng. Cbadixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ”Camay” ayaa maanta soo dhoweyn aad u diiran kala kulmay bulshada ku dhaqan deegaanka Ban-yaal oo hoos taga Degmada Widh-Widh oo ka tirsan Gobolka Cayn, wuxuuna bulshada deegaankaasi la qaatay kulan aad u ballaaran isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.
Madaxweynaha ayaa deegaanka Ban-yaal ka dhgax dhigay ceel biyood ama riig aad u dheer kaasi oo qayb ka ah mashaariicda horumarineed ee ay Dawldda Puntland ugu tala gashay inay ka fuliso deegaanada Gobolka Cayn.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa bulshada ka dhagaystay warbiximo ku saabsan baahiyaha kala duwan ee deegaankaasi ka jira , iyagoo dadweynuhu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin booqashada Madaxweyne Camey ee deegaanada Gobolka Cayn.
Mudane Camey ayaa dadweynaha deegaanka Ban-yaal u sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashadeen loona baahan yahay isku tashigaas in lala jaanqaado, sidoo kale wuxuu Madaxweyne Camey u caddeeyey bulshada deegaankaasi in ay waxqabad dhab ah ka samayn doonaan baahiyaha ka jira deegaanada Cayn, isla markaana loo baaahan yahay in bulshada Gobolka Cayn ay garab is taagaan Dawladda Puntland.
no images were found
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa si cad uga dhabeeyey ballanqaadkii Dawladda Puntland ee ahaa in laga dego wadada laamiga ah isla markaana la gaaro deegaanada fog ee Puntland.
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha
Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
–DHAMAAD–