Madaxweyne ku xigeenka PL oo deegaanka Banyaal dhagax-dhigay Ceel Riig ah.[Masawiro]

January 18, 2015 - Written by Editor

IMG_1777Buuhoodle:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji C/llaahi Cumar Camey oo ay weheliyaan wafdi ballaaran oo ka tirsan golaayaasha Dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa wali ku guda jira kormeeradii shaqo ee ay ku tageen magaalaada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn iyo deegaanada kale ee hoostaga.

Eng. Cbadixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ”Camay”  ayaa maanta soo dhoweyn aad u diiran kala kulmay bulshada ku dhaqan deegaanka Ban-yaal oo hoos taga Degmada Widh-Widh oo ka tirsan Gobolka Cayn, wuxuuna bulshada deegaankaasi la qaatay kulan aad u ballaaran isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha  ayaa deegaanka Ban-yaal ka dhgax dhigay ceel biyood ama riig aad u dheer kaasi oo qayb ka ah mashaariicda horumarineed ee ay Dawldda Puntland ugu tala gashay inay ka fuliso deegaanada Gobolka Cayn.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa bulshada ka dhagaystay warbiximo ku saabsan baahiyaha kala duwan ee deegaankaasi ka jira , iyagoo dadweynuhu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin booqashada Madaxweyne Camey ee deegaanada Gobolka Cayn.

Mudane  Camey ayaa dadweynaha deegaanka Ban-yaal u sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashadeen loona baahan yahay isku tashigaas in lala jaanqaado, sidoo kale wuxuu Madaxweyne Camey  u caddeeyey bulshada deegaankaasi in ay waxqabad dhab ah ka samayn doonaan baahiyaha ka jira deegaanada Cayn, isla markaana loo baaahan yahay in bulshada Gobolka Cayn ay garab is taagaan Dawladda Puntland.

no images were found

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar  Camey ayaa si cad uga dhabeeyey ballanqaadkii Dawladda Puntland ee ahaa in laga dego wadada laamiga ah isla markaana la gaaro deegaanada fog ee Puntland.

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha
 Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
–DHAMAAD–

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online