Madaxweyne ku xigeenka PL oo ka qayb galay caleema saarkii Garaad Cabdirsaq Garaad Soofe.[Masawiro]
January 15, 2015 - Written by EditorBuuhoodle:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng C/xakiim C/llaahi Cumar Camey ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdi risaaq Garaad Soofe , munaaasabaddaas oo ka dhacday magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.
Madaxweynaha waxaa ka qayb galka munaasabaddaas ku weheliyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha sare ee ciidamada , saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo xubno kale oo muhiim ah.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa hanbalyo u diray garaadka cusub ee maanta lagu caleema saaray buuhoodle Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe.
Madaxweyne Camey waxa uu garaadka kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo midnimada soomaaliyeed, nabadda iyo horumarinta bulshada, isla markaana uu la tashado shacabkiisa ku dhaqan guud ahaan deegaanada Puntland.
no images were found
–DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.