Madaxweyne ku xigeenka PL oo ka qayb galay caleema saarkii Garaad Cabdirsaq Garaad Soofe.[Masawiro]

January 15, 2015 - Written by Editor

IMG_8356Buuhoodle:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng C/xakiim C/llaahi Cumar Camey ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdi risaaq Garaad Soofe , munaaasabaddaas oo ka dhacday magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.

Madaxweynaha waxaa ka qayb galka munaasabaddaas ku weheliyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha sare ee ciidamada , saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa hanbalyo u diray garaadka cusub ee maanta lagu caleema saaray buuhoodle Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe.

Madaxweyne Camey waxa uu garaadka kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo midnimada soomaaliyeed, nabadda iyo horumarinta bulshada, isla markaana uu la tashado shacabkiisa ku dhaqan guud ahaan deegaanada Puntland.

no images were found

–DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online