Madaxweyne PL oo kulan Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa banaan.[Masawiro]
January 10, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo sabti ah taariikh duna tahay 10-1-2015 kullan isugu yeeray Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo kuwa hay’addaha madaxa banaan ee Dawladda Puntland.
Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimyaasha ayaa waxaa uu ku saabsanaa saddex arrimood oo kala ahaa :-
- Dib u eegsitii Bandhigii waxqabadka dawladda 2014-2015 ee barnaamijki la xisaabtanka Hay’addaha dawladda Puntland.
- Hirgelinta iyo dhamaystirka qorshaha dib u habaynta Hay’addaha dawladda (Puplic Sector Reforms ) .
- Kor u qaadista hanaanka maaraynta maaliyada iyo guud ahaan dardar gelinta shaqada dawladda.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad agaasimayaasha guud ee ka qeyb galay kullanka u faray inay hormuud ka noqdaan shaqada dardargelinta dib u habaynta shaqaalaha dawladda maadama agaasimayaashu yihiin masuuliyiinta dhinaca maamulka Wasaaradaha ugu sareeya, Wasiirkuna yahay masuulka guud ee Wasaaradda iyo hagaha dhinaca siyaasada.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas waxaa uu Agaasimayaasha guud ku booriyey inay la shaqeeyaan Wasiirada iyaguna dhexdooda wada shaqeeyaan, shaqaduna ay noqoto mid si wadajir ah loo fuliyo si kor loogu qaado u adeegida shacabka.
‘’Waxaan rabaa Puntland inay noqoto afar-sano gudaheed meel dawladnimo taam ahi ay ka jirto oo leh dheelitir maamul, mid aqooneed iyo weliba mid siyaasadeed si loo gaaro isbadal dhankasta ah iyo horumar bulsho ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.
Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimayaasha oo ahaa mid si laab furan loo wada hadlay ayaa dhammaan qodobadii ajandaha mid mid looga dooday , waxaana uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : plpresidecymedia@gmail.com