Madaxweyne PL oo kulan Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa banaan.[Masawiro]

January 10, 2015 - Written by Editor

IMG_6569Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo sabti ah taariikh duna tahay 10-1-2015 kullan isugu yeeray Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo kuwa hay’addaha madaxa banaan ee Dawladda Puntland.

Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimyaasha ayaa waxaa uu ku saabsanaa saddex arrimood oo kala ahaa  :-

  • Dib u eegsitii Bandhigii waxqabadka dawladda 2014-2015 ee barnaamijki la xisaabtanka Hay’addaha dawladda Puntland.
  • Hirgelinta iyo dhamaystirka qorshaha dib u habaynta Hay’addaha dawladda (Puplic Sector Reforms ) .
  • Kor u qaadista hanaanka maaraynta maaliyada iyo guud ahaan dardar gelinta shaqada dawladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad agaasimayaasha guud ee ka qeyb galay kullanka u faray inay hormuud ka noqdaan shaqada dardargelinta dib u habaynta shaqaalaha dawladda maadama agaasimayaashu yihiin masuuliyiinta dhinaca maamulka Wasaaradaha ugu sareeya, Wasiirkuna yahay masuulka guud ee Wasaaradda iyo hagaha dhinaca siyaasada.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas waxaa uu Agaasimayaasha guud ku booriyey inay la shaqeeyaan Wasiirada iyaguna dhexdooda wada shaqeeyaan, shaqaduna ay noqoto mid si wadajir ah loo fuliyo si kor loogu qaado u adeegida shacabka.

‘’Waxaan rabaa Puntland inay noqoto afar-sano gudaheed meel dawladnimo taam ahi ay ka jirto oo leh dheelitir maamul, mid aqooneed iyo weliba mid siyaasadeed si loo gaaro isbadal dhankasta ah iyo horumar bulsho ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimayaasha oo ahaa mid si laab furan loo wada hadlay ayaa dhammaan qodobadii ajandaha mid mid looga dooday , waxaana uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online