Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland oo xukuno isugu jira dil iyo xabsi riday.[Cod/Masawiro]

January 7, 2015 - Written by Editor

1Qardho:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowlada Puntland oo xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 3 askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta iyo Asluubta ee Dowladda Puntland.

Saddexdan dambiile oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Qardho ayaa waxaa saaka la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee gobolada Bari, Gardafuu, Haylaan, Sanaag iyo Karkaar waxaana lagu riday xukuno kala duwan.

Mid kamid ah sadexdan askari ayaa waxaa lagu soo eedeeyay dambi ah inuu dilay askari kale oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta askarigaas oo uu dilay bishii tobanaad ee sanadkii 2014, askarigan ayaana ka horqirtay maxkamadda horteeda inuu dilay marxuumka dhintay ka dib markii uu dhexmaray muran.

labada askari ee kale oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta ee ilaalada xabsiga dhexe ee magaalada Qardho ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay sameeyeen amar diido sidoo kalena ay jabiyeen xeerarka xabsiga ka dib markii ay taleefoon gacmeedka ay ula gudbeen Qololka maxaabiista oo ay mamnuuc ahayd in loola gudbo mobile da gudaha qolalka maxaabiista.

Intaas ka dib markii ay dhagaysatay maxkamadda dacwadihii iyo markhaatiyaashii ku markaati furay dambiilayaasha ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee gobolada Karkaar, Haylaan, Bari, Gardafuu iyo Sanaag ayaa ku dhowaaqday xukunada waxaana xukunka ku dhowaaqay Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee goboladaas C/fataax Xaaji Aadan waxana uu ahaa sida tan:

1. in askarigii dilka gaystay la mariyo sida ay shareecada islaamku qabto oo ah in la dilo.

2. 2-da askari ee kale oo lagu eedeeyay inay maxaabiista xabsiga dhexe ee magaalada Qardho u gudbi yeen mobile da mid ka mid ah lagu xukumo 2 sano oo xarig ah kan kale oo caawiye ahaa oo asagu markii falka uu dhacayay goobta ka maqnaa lagu xukum 5 bilood oo xarig ah.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee goboladaas C/fataax Xaaji Aadam

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/0qjku2v8el/gudoomiye1.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Daauud Maxamed Xasan
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online