Puntland oo Xabsi daa’in iyo 10 sanno oo xariga ah ku riday 14 qof oo ka qayb galaya shirka ka dhacaya degmada Cadaado.[Cod/Masawiro]

January 13, 2015 - Written by Editor

IMG_6868Garoowe:-Maxkamada Darajada koowaad ee Gobalka Nugaal ayaa goor dhaweyd xabsi daa’in iyo 10 sano oo xarig ah ku kala xukuntay ilaa 14 qof oo safar siyaasadeed ku tegay degmada Cadaado si ay uga qayb galaan maamul loo dhisayo gobollada dhexe.

Xubnaha aaday degmada Cadaado waxaa ka mid ah C/weli Muuse Shire ‘’Dhamuuke” oo horay Xildhibaan uga noqday dowladda Puntland waxaan Maxkmadu ay ku xukun tahy isaga iyo labo xubnood oo kale xabsi daa’in waxaan uu xukunkaan uu dhaqan galayaa marka ay xubnahaan ay qabtaan ciidanka Puntland.

Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa ku eedeysay Cabdiweli Muuse Shire ‘’Dhamuuke” inuu ku kacay wax lid ku ah jiritaanka Puntland oo dhisnayd mudo dhan 16 sano sidaas darteedna  ay waajib tahay in laga hortago cid walba ama koox walba oo wax u dhimaysa nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ka socda abaabul la doonayo in maamul ay ku midaysan yihiin Gobollaad dhexe loo sameeyo walow shirka waqtigii loo qabtay uu dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.

Hoos ka eeg xubnaha lagu riday xukunka Xabsi daa’im :

1. Cabdiweli Muuse Shire.

2. Cabdirisaaq Ismaaciil Xassan Darwiish.

3. Cabdisalaam Cabdiqaadir Sheekh Doon.

Hoos ka eeg xubnaha lagu riday 10-sanno ee xariga ah:-

1. Cabdikariim Cumar Ismaaciil.

2. Cali Cigaal Af-gaab.

3. Warsame Qolofeey Shiddo.

4. Xasan Garabeey.

5. Deeq Maxamuud Qaanso.

6. Maxamed Barre Nuunuule.

7. Cadooye Aadan Xasan.

8. Xuseen Kuluc Maxamuud.

9. Jaamac Maxamed Axmed.

10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

11. Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad.

Intaas ka dib ayaa ku xigeenka Xeer ilaali yahay guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo saxaafadda  kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaana uu u sheegay in ilaa 14 qof ay xukuno kale duwan ay ku riday Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal lana fulin dooona marka ugu horaysa oo ay laamaha amaanku qabtaan 14-kaas qof.

Hoos ka Dhagayso ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ws0cae3q5y/xeerilaaliye.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

no images were found

Dhinac kale Gudoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee gobolka Nugaal Axmed Salaad ayaa sidoo kale waxaa uu saxaafadda u akhriyey xukunka isagoo xusay in loo soo bandhigay Maxkamada darajada koowaad cadaymihii iyo weliba baaritaanadii  ay sameeyeen Hay’addaha nabadsugigada iyo ciidanka sirdoonka ee dowladda Puntland ee PIA ka dibna ay  Maxkamadu ku riday C/weli Muuse Shirre Dhamuuke oo horay u noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiladda ee Puntland iyo labo xubnood oo kale  xabsi daa’in halka 10 qof oo kale lagu xukumay midkiiba 10 sano oo xariga ah.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee gobolka Nugaal Axmed Salaad

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/yyrk44fc9z/gudoomiyexareed.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Ugu danbayntii ayaa  xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Mudane Maxamuud Xasan Awcali,  waxaa uu  saxaafaddda u sheegay in ciqaab adag ay la kulmi doonaan cid walba oo ku kacda fal wax loogu dhimayo jiritaanka dowladda Puntland talaabo adagna la qaadi doono.

Hoos ka Dhagayso xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland  Maxamuud Xasan Awcali

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/qncaedc5au/xeerilaaliyeguud.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online