Sh Maxamed Umal oo caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq ee dalka Mozambique (Masawiro)

January 23, 2015 - Written by Editor

8Mozambique:-Sh Umal ayaa isla maanta waxaa uu ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq isagoo uga hadlay difaaca Nebigeena Muhamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato iyadoo khudbada ka hor kalimada lagu tarjumayey afka Bortaqiiska oo ah afka looga hadlo dalka Mozambique

Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq oo ah saddex dabaq ayaa boqolaal Soomaali ah ay ku soo tukadeen salaadii Makhrib  si ay u dhagaystaan Khudbada Jimce ee uu jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Umal

Sidoo kale Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaro qiimo badan ka jeediyey aawa Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq waxaana uu Sheekhu Muxaadaradiisa ci waan uga dhiga أمراض القلوب وعلاجها

Masjidka Abu Bakar Al-Sadiiq ee magaalada Nampula dalka Mozambique ayaa caawa waxaa aad u soo buuxiyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nampula kuwaas oo si weyn u soo camiray muxaadarada Sheekha.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa wuxuu si weyn ugu qaadaa dhigay cudurada ku dhaca qalbiga iyo sida loo daweeyo waxaana muxaadarada si weyn ula dhacay dadweynihii soo camiray. Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo C/qaadir Boobe ayaa haatan socdaal dacwo ku jooga magaalada Nampula dalka Mozambique .

no images were found

Ugu danbaystii waxaa uu sheekha ka jawaabay su,aalo dhowr ah ay soo waydiiyeen dadkii ka so qayb galay muxaadarada .Hadii allah yiraahdo waxaa beri galbtii muxaadarada labaad geli doono Sheekh C/Qaadir Boobe isla Masjidka Abu bakar. waxaa kaloo jiri doono muxaadaraad loogu tala galay dadka muslimiinta aan soomaalida ahayn oo ay culimada geli doonaan hadii allah yiraahdo.
Halgan.net waxay ka cudurdaaraneysaa in aysan si live ah u soo tabin Muxaadarda Sheekh Maxamed Cabdi Umal cilad xaga Internetka oo ka jirta dalka Mozambique ka dib markii ay dalkaas ku dhifteen roobab mahiigaan ah iyo Dabeylo.
Mohamed Aden Abdile
Gudoomiyaha Dacwada Gauteng
Majliska Al-Bayaan

Halgan.net,Mozambique

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online