Shakhsiyada Nabigeenii Muxamed N.N.K.H Sh Maxamuud Maxamed Xaliike.[Video]

January 26, 2015 - Written by Editor

xaliikaLaascaanood:-Sh Maxamuud Maxamed Xaliike oo ka mid ah Culimada waawayn ee ku nool gobolka Sool ayaa waxaa uu jeediyey Muxaadaro uu ku Difaacyo Suubanihii Nabigeena , Muhamed Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike ayaa tilmaamay in Nabigeena Muhamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee uusan ahayn qof xumaan loo quudhi karo , maadaama baryahaan danbe saxaafadda reer Galbeedka ay soo bandhigeen Aflagaado ay ugu gafayaan. Nabigeena Muhamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee balse Alle uu ka kor yeelay xumaan oo dhan.

Sh.Maxamuud Maxamed Xaliike wuxuu ku dheeraadey dadnimadii Alle SW ku abuurey Nabigeena, iyo dhaqankii wanaagsanaa ee uu Aadamaha kula dhaqmi jirey Muslim iyo Gaalba.

Sidoo kale wuxuu sheegey Sh Maxamuud Xaliike in arrinta ugu daran ee ina haysta ay tahay in da’yarta Soomaaliyeed qaarkood ay caadeysteen inay horteena ku caayaan , Alle Rasuul kiisa, Diintiisa ,iwm.Ugu danbayntii wuxuu shiikhu soo jeediyey waxyaabo xal u noqon kara in arrintaan wax laga qabto .

Hoos ka Daawo Muxaadaradii Difaacida Nabi Muxamed N N K H Sh Maxamuud Maxamed Xalliike

Mawliid Ismaacii Haradigeed
Laascaanood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online