Taliska ciidanka Boosaaso oo dad u qabtay Bamkii lagu tuuray saldhiggii Bartamaha ee Bosaaso.

January 13, 2015 - Written by Editor

taliyeBoosaaso:-Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari C/xakiim Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in gacanta ku hayaan dhowr qof oo lala xiriirinayo bam gacmeed saddex cisho ka hor lagu tuuray saldhigga ciidanka Booliska Bartamaha ee magaalada Bosaaso.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xassan ayaa xusay in eedeysana yaasha lagu wado baaritaan markii baaritaankoodu soo gabagabooban loo soo bandhigi doono xogta rasmiga ah saxaafadda qaybaheeda kale duwan.

Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa howl galo ay ka sameeyeen xaafadda Boosaaso waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dad lagu tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayeen Bam gacmeedkii lagu tuuray Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso oo uu ka soo gaaray dhaawac fududu askari ka tirsan ciidanka Booliska iyo qof haweenay ah.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari C/xakiim Yuusuf Xassan ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amniga si looga hortago kuwa ku howlan falalka amniga wax u dhimay dadkuna wixii ay ka shakiyaan in ay ku soo wargeliyaan laamaha amaanka.

Bam gacmeedka lagu tuuray saldhigga ciidanka Booliska Bartamaha ee magaalada Bosaaso ayaa waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab oo dagaalo kala duwan ay ku dhex marayaan Buuraha Calmadow ciidanka daraawiishta ee Puntland iyo kuwa PIA.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online