Ururka Al-shabaab oo laga weerarray dhinaca cirka.[Dhagayso]

January 31, 2015 - Written by Editor

DiyaaradDiinsoor:-Ugu yaraan 45 ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka oo galabta ka dhacay tuulada Dugule ee gobolka Shabeelada hoose sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi, Cabdiqaadir Shiikh Maxamad Nuur (Siidii).

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay hayaan xog ku saabsan khasaaraha uu geystay weerarka cirka, oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen saddex gantaal oo lala beegsaday goobo kala duwan oo uu ku jiray guri ay degenaayeen dagaalyahaniin ajnabi ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay kolonyo baabuur ah oo ay wateen al-Shabaab, halkaasi uu yiri waxaa ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac u dhaxeysa 45 ilaa 60.

Degaanka uu weerarku ka dhacay ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa Shabaabku ay gacanta ku hayeen dhawrkii sano ee ugu dambeeyay.

Hoos ka Dhagayso warbixinta  Idacaadda BBC-da laanta Afka Soomaaliga

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/tfbj6nfk3h/siidi.mp3]

Source: BBC

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online