War-murtiyeedii ka soo baxay shirkii wada tashiga ee dalladda waxbarshada Ahliga ah.(PEN)

January 19, 2015 - Written by Editor

DSC07188Boosaaso:-Shir wadatashi oo ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Dalladda Waxbarashada Ahliga ah ee PEN kaasoo socday laba maalmood 18-19/01/2015 ayay Dalladdu ku gorfaysay horumarinta waxbarashada Ahliga ah iyada oo xooga saartay dhinacyada Macallinka, Ardayga iyo Manhajka waxbarasho.

Waxaana warmurtiyeedkan dalladdu ay usoo jeedinaysaa dhamaan daneeyayaasha waxbarashada, Saaxiibada dalladda, Dowlada Puntland iyo Shacabka reer Puntland. Wuxuuna u qornaa sidan:

1- Dalladdu waxay bogaadinaysaa horumarka ay samaysay waxbarashada dawladda Puntland oo ay hormuudka ka tahay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, waxayna adkaynsaa ahmiyada ay leedahay dhamaystirka waxyaabaha ka dhiman gaarista horumar aqooneed taasoo ubadkeena uu la jaanqaadi karo waxbarashada dolwadaha nala dariska ah iyo caalamka.

2- Waxbarashada Ahliga ah waxay lafdhabar u tahay kor uqaadista aqoonta ubadka soomaaliyeed waxayna bud-dhig u ahayd bilowga iyo soonoolaynta waxbarashada burburkii ka dib.

3- Dalladdu waxay fariin baaq u diraysaa dawladda, ganacstada iyo waxgaradka reer Puntland inay ka qaybqaataan horumarinta iyo maalgelinta Waxbarshada si loo tayeeyo dugsiyadeenna loona soo saaro arday aqoon tayaysan leh.

4- Dalladdu waxay bogaadinaysaa kaalinta mugga weyn ee ay waalidiintu ka qaataan waxbarashada, waxayna rajaynaysaa inay sii labanlaabaan kaalintoodaas oo la’aantood aysan socon Karin waxbarashadu.

5- Tababarka Macallinka, qalabaynta Dugsiyada, gaar ahaan u helista maktabado shaybaarro iyo qurxinta bilicda dugsiyada waxay dalladu go’aansatay inay siiso mudnaanta koowaad si loo horumariyo waxbarashada ubadkeenna sanadaha soo socda.

6- Shacabka Puntland waxay mar walba muhiim u yihiin jiritaanka waxbarashada, kaqaybgalkooda dhaqaale iyo talo waxay asaas u tahay horumarinta waxbarashada.

7- Dalladda Waxbarashada ahliga waxay ku talinaysaa Dhamaystirka Siyaasadda Waxbarashada Puntland si kusalaysan wadatashi mug leh.

8- Horumarinta ama dejinta manhaj loo sameeyo waxbarashada puntland waa inay ka duusho baahida dadka iyo dalka laguna saleeyo luqadaha hoyga u ah diinta, dhaqanka, iyo deegaanka, sidaa darteedna waxaan ku baaqaynaa in dhammaan laysugu geeyo caqli iyo cudud sidii aan usoo saari lahayn manahaj tayo leh kaasoo soo saaraya arday leh diin, aqoon, anshax iyo karti.

9- Dalladdu waxay ugu baaqaysaa aqoonyahanka puntland ee kunool daafaha aduunka inay kusoo laabtaan waddanka kaalintoodana kaqaataan dadaalada waxbarasho ee kasocda wadanka isla markaana waxaan u mahadcelinaynaa inta soo laabatay.

10- Waxbarashada heerka sare wuxuu tayo yeelan karaa marka midda hoose si fiican loo soo dhiso, waxaan Jaamacadaha dalka ka jira ugu baaqaynaa inay ka qaybqaataan tayaynta waxbarashada, waxayna sidoo kale dalladdu ka mahadcelinaysaa deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan sanad walba ardayda dugsiyada sare ka baxda.

11- Waxay dalladdu soo dhowaynaysaa kordhinta Miisaaniyadda waxbarasho ee dowladda Puntland ay samaysay iyada oo aan tilmaamayno in wali ay jirto baahi weyn oo loo qabo in tacliinta loo helo dhaqaale intaa kasii badan.

12- Ugu dambayntii Dalladdu waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda puntland dadaalka guud ay ugu jirto horumarinta waxbarashada.

Hoos ka eeg warmurtiyeedii ka soo baxay Shir wada tashi dalladda waxbarshada Ahliga ah ee PEN

no images were found

no images were found

 

Wabilaahi Towfiiq,,

Dalladda Waxbarashada Ahliga ee PEN

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online