Wufuud ka qayb galaysa Caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo soo gaaray Buuhoodle.[Masawiro]
January 13, 2015 - Written by EditorBuuhoodle:-Waxaa magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ka socda qaban qaabadii ugu danbaysay ee xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo maalinimada Khamiista lagu caano shubayo Beeraha Balliga Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa maanta waxaa soo gaaray wufuud kale duwan oo ka kala yimid gobollada Bari iyo Waqooyi waxaan ka xusi karnaa.
1.Wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne ku Xigeenka Khaatumo Mudane Cabdul Cagalule .
2. Wadfi uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xaglo Toosiye .
3.Wafdi uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali .
4. Wafdi uu hogaaminyo Cismaan Garaad Soofe oo ka yimid Hargeysa.
5.Wafdi ka socdey magaalada Boocame oo Odayaasha Xaamud Ugaas ah .
6. Wafdi Ka Socday Beesha Habaryoonis ee Waqoyiga Somalia.
7.Wafdi Ka Socday Beesha Axmed Garaad ee Magaalada Laascaanood .
8. Wafdi ka socday Nabad Suga Miinooyinka Hay’adaha Wadooyinka Hawd .
Waxaa Sidoo kale la filayaa in maalinmada beri ay soo gaadhaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn:-
1. Wafdi uu Hogaaminyo Madaxwaynaha Khaatumo Proff Cali Khaliid Galaydh oo ka imaanaya magaalada Muqdisho .
2. Wafdi uu hogaaminyo Madaxawayne ku xigeena Puntland C/Xakim Camey .
3. Wafdi uu Hogaaminayo odayaasha dhaqan oo ka imaanaya Muqdisho .
4. Wafdi ka socda Maamulka Jubbaland oo ka imaanaya Kismaayo .
5. Wafdi Issimo ah oo ka imaanaya magaalada Garoowe
6. Wafdi odayaal dhaqan oo ka imaanaya degmada Caabud Waaq .
7. Wafdi ka imaanay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya .
8.Wafdi ka imaanaya gobolka Awdal , Borama.
9.Wafdi Issimo ah oo ka imaanaya Gobolka Sanaag .
10.Wafuud ka Imaanaya guurtida Somalilland.
11. Wafdi ka Imaaanaya magaalada Taariikhiga ah ee Taleex .
12. Wafdi ka imaanaya Gal-Mudug iyo Ximin iyo Xeeb .
13.Wafdi ka socda dowladda deegaanka Soomaaliya ee Jigjiga.
Dhinac kale magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa wufuud iyo marti sharaf kale oo dhamaan ka soo qayb galaya xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo si weyn loo agaasimay. Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo ayaa ka dhici doonta Beeraha Balliag Buuhoodle wax ka yar 72 saacadood ayaa la filayaa in ay xafladu bilaabato.
no images were found
Mawiid Ismaaciil Hardiheed
Buuhoodle ,Gobolka Cayn