Wufuud ka qayb galaysa Caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo soo gaaray Buuhoodle.[Masawiro]

January 13, 2015 - Written by Editor

thumbs_caleema-saarkaBuuhoodle:-Waxaa magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ka socda qaban qaabadii ugu danbaysay ee xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo maalinimada Khamiista lagu caano shubayo Beeraha Balliga Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa maanta waxaa soo gaaray wufuud kale duwan oo ka kala yimid gobollada Bari iyo Waqooyi waxaan ka xusi karnaa.

1.Wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne ku Xigeenka Khaatumo Mudane Cabdul Cagalule .

2. Wadfi uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xaglo Toosiye .

3.Wafdi uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali .

4. Wafdi uu hogaaminyo Cismaan Garaad Soofe oo ka yimid Hargeysa.

5.Wafdi ka socdey magaalada Boocame oo Odayaasha Xaamud Ugaas ah .

6. Wafdi Ka Socday Beesha Habaryoonis ee Waqoyiga Somalia.

7.Wafdi Ka Socday Beesha Axmed Garaad ee Magaalada Laascaanood .

8. Wafdi ka socday Nabad Suga Miinooyinka Hay’adaha Wadooyinka Hawd .

Waxaa Sidoo kale la filayaa in maalinmada beri ay soo gaadhaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn:-

1. Wafdi uu Hogaaminyo Madaxwaynaha Khaatumo Proff Cali Khaliid Galaydh oo ka imaanaya magaalada Muqdisho .

2. Wafdi uu hogaaminyo Madaxawayne ku xigeena Puntland C/Xakim Camey .

3. Wafdi uu Hogaaminayo odayaasha dhaqan oo ka imaanaya Muqdisho .

4. Wafdi ka socda Maamulka Jubbaland oo ka imaanaya Kismaayo .

5. Wafdi Issimo ah oo ka imaanaya magaalada Garoowe

6. Wafdi odayaal dhaqan oo ka imaanaya degmada Caabud Waaq .

7. Wafdi ka imaanay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya .

8.Wafdi ka imaanaya gobolka Awdal , Borama.

9.Wafdi Issimo ah oo ka imaanaya Gobolka Sanaag .

10.Wafuud ka Imaanaya guurtida Somalilland.

11. Wafdi ka Imaaanaya magaalada Taariikhiga ah ee Taleex .

12. Wafdi ka imaanaya Gal-Mudug iyo Ximin iyo Xeeb .

13.Wafdi ka socda dowladda deegaanka Soomaaliya ee Jigjiga.

Dhinac kale magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa wufuud iyo marti sharaf kale oo dhamaan ka soo qayb galaya xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo si weyn loo agaasimay. Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo ayaa ka dhici doonta Beeraha Balliag Buuhoodle wax ka yar 72 saacadood ayaa la filayaa in ay xafladu bilaabato.

no images were found

Mawiid Ismaaciil Hardiheed
Buuhoodle ,Gobolka Cayn

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online