Xaflad Lagu Daah furayey dhismaha cusub ee Jaamacada Bariga Afika Faraca Qardho oo lagu qabtay Qardho.[Masawiro]

January 11, 2015 - Written by Editor

aliQardho:-Xaflad si heersare ah ay usoo agaasimeen Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Magaalada Qardho ayna ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golah wakiilada dowladda Puntland Maamulka Gobolka Karkaar, Maamulka Degmada Qardho Ismo Nabadoono Aqonyahano Qurba joog iyo qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore  ee dowladda Puntland Duqii hore ee Degmada Qardho laguna daahfurayay dhismaha dhawaan lagu wareejiyay jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho ayaa lagu qabtay Magaalada qardho.

Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Faraca magaalada Qardho  Sheekh Cali Maxamed Cali, Sh. Cali ayaana ka warbixiyay heerarka aysoo martay jaamacada Qardho ragii aasaasay kuliyadaha ay ka koobantahay jaamacadda tirada ardada dhigata mar uu ka warbixinayay jaamacada ayaa waxa uu yiri jaamacada waxa ay ka kooban tahay Shan kuliyadood oo kala ah shareecada, Maamulka iyo maaraynta, Computer Science ka, Community Development iyo Kalkaalisinimada.

Sidoo kalena ay bixiso Koorsooyin lagu barto luqadah oo gaarsiisan ilaa heer Diploma ah mar uu ka hadlayay sida loogu wareejiyay gurigan iyo cida ku wareejisay ayaa waxa uu yiri waxaan aad ugu mahadcelinaynaa Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland uu wasiirka ka yahay Cali Xaaji Warsame, gudoonka waxbarashada Gobolka Karkaar iyo kan Degmada qardho, gudiga sare ee Jaamacada, masuuliyiinta gobolka iyo degmada Duqii hore ee Degmada Qardho Cismaan buux iyo dhamaan dadkii ka qaybqaatay inay jaamacada usoo guurto hoygan baaxada wayn leh marwalbana u taagan inay horumar gaarto jaamacada.

Xildhibaan Jaamac Faarax Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada Dowlada Puntland oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay taageerayaan jaamacada sidoo kale raga masuuliyiinta ka ah jaamacada ay ula tagi doonaan Masuuliyiinta sar sare ee dowlada Puntland iyo waliba golaha wakiilada si jaamacada Qardho loo taageero loona tayeeyo.

Waxaa sidoo kale munaasabada Daahfurka ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C.quraan Maxamed Adan, Duqii hore ee Degmada Qardho Cismaan Buux, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye,Nabadoono, waxgarad iyo qaar kamid ah ardada wax ka barta jaamacada waxayna dhamaantood kawada dhawaajiyeen in jaamacada Qardho ay u baahantahay taageero balaaran ayna ugu baaqayaan dhamaan shacabka ku nool gobolka iyo jaaliyada reer Puntland gaar ahaan Jaaliyada gobolka inay ka qaybqaataan horumarinta jaamacadda.

Qaar ka mid ah qurba joogta kasoo qaybgashay xaflada ayaa waxa ay halkaas kasoo jeediyeen khudbado ayagoona jaamacadda ugu yaboohay lacago iyo Buugaag waxayna balann qaadeen inay fariin gaarsiin doonaan dhamaan qurba joogta kasoo jeeda gobolka taageero balaarana aysiin doonaan Jaamacada.

Hoygan ay usoo guurtay jaamacada ayaa ah halkii lagu qabtay xafladii caleema saarka boqorka beelaha daarood boqor burhaan waxaana jaamacada ku wareejisayy wasaaraddda waxbarashada iyo tacliinta saree ee dowladda Puntland waana kii ay uga bixi lahayd jaamacda guryihii kirada ahaaa ee ay ka daganayd magaalada Qardho.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan
Qardho-Puntland  

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online