Xildhibaanada DFS oo maanta meel mariyey hindise-sharciyeedka hanta-dhowrka guud ee qaranka

January 29, 2015 - Written by Editor

xildhibanMuqdisho:-Xildhibaannada baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxay si aqlabiyada ah ku meel mariyay hindise-sharciyeedka hanta-dhowrka guud ee qaranka ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhinaannada DFS ayaa waxaa ayaa waxaa shir gudoominayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka DFS , Jaylaani Nuur Iikar waxaana kulanka saaka goobjoog ka ahaa 156 xildhibaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada DFS oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey meel marinta  hindise-sharciyeedka hanta-dhowrka guud ee qaranka.

Hanti dhowrka Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa soo dhoweeyay sidoo kale ansixinta hindise sharciyeedkan, wuxuuna ku timaamay guul u soo hoyatay dowlada Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa intaas ka dib ka dalbaday xildhibaanada DFS in ay cod u qaadaan ansaxinta hindise-sharciyeedka hanta-dhowrka guud ee qaranka waxaana ogalaaday 152 xildhibaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online