Abu Maxamed Al-Maqdasi oo ka soo Muuqday TV Urdun kana hadlay Daacish iyo dilkii Mucaad al-Kasabeh [Daawo]

February 6, 2015 - Written by Editor

maqadsiUrdun:-Abu Maxamed Al-Maqdasi oo ah wadaada aad ula dhacsanaa fikirka  ururka Al-qacida iyo kooxaha ku fikriga ah ayaa waraysi gaar ah oo uu siyey Tv- laga leeyahay dalka Urdun waxaa uu ka hadlay dilkii ay kooxda Daacish u geysteen duuliyihii u dhashay dalka Urdun Mucaad al-Kasabeh.

Abu Maxamed Al-Maqdasi  ayaa marar badan ka horyimid ficilada guracan ee khilaafsan Islaamka oo ay la soo baxeen kooxda Daacish ee isku magacaw day Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam [Daacish] .

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa si faahfaahsan uga hadlay wadahadal u dhexeeya kooxda Daacish iyo dowlada Urdun oo isagu qeyb ka ahaa isaga oo xiriiro kala duwan la sameeyey madaxda sare ee kooxda Daacish si ay u dhaafsadaan duuliyaha dalka Urdun Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi oo ku xirnayd dalka urdun loona heystay in ay ka tirsan tahay Ururka Al-Qaacida

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu sheegay intii uu dhexdhexaadinta ka dhexwaday Daacish iyo dowladda Urdun ay kooxda Daacish u sheegeen been in badana ay meermeeriyeen wuxuuna ku til maamay kooxda Daacish beenaalayaa isaga oo cadeeyey in Mujaahihiinta aan lagu aqoon been iyo dhagar.

Abu Maxamed Maxamed Al-Maqdasi ayaa sheegay in uu dhexdhexaadin bilaabay markii uu maqlay in kooxada Daacish ay qabteen Duuliyihii reer Urdun Mucaad al-Kasabeh waxaana uu sheegay in uu rajo ka qabay in kooxda Daacish ay dhaafsiisan doonaa Maxaabiis ku xiran Xabsiyadda dalka Urdun gaar ahaan Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi duuliyaha ay qabteen Mucaad al-Kasabeh.

Sh. Maxamed Al-Maqdasi ayaa xusay in mar danbe uu ogaaday in kooxda Daacish ay been u sheegeen oo ay duuliyihii reer Urdun Mucaad al-Kasabeh ay nolosha ku gubeen isbuucii ugu horeeyey arrinkaas oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanay shareecadda Islaamka.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa ku tilmaamay kooxda Daacish kuwa aan aqoon u lahayn diinta islaamka iyo weliba qaabkii uu Nebigeena Muhamed NNKH uu ula dhaqmi jiray gaaladii Qureysh ee uu dagaalada ku qabto.

Sh.Maxamed Al-Maqdasi ayaa ku tilmaamay kooxda Daacish in ay yaqaanaan oo kaliya gowrac dadka ilaa dad badan oo da’yar ah ay u qaateen in ficilka ay samaynayaan kooxda Daacish uu yahay wax qiil ay uga haystaan diinta Islaamka haddan ay la soo baxeen in qof nool ay gubeen taas uu ku tilmaamay mid khilaafsan axaadiista Nebigeena Muhamed NNKH .

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa kale oo uu xusay in kooxda Daacish ay laayeen kooxihii kale ee ka jihaadayey dalka Suuriya oo Hogaamiyaal badan ay dileen oo xitaa ay ka soo duubeen Filimo Maqal iyo Muuqaal ah.

Sh.Maxamed Al-Maqdasi ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in kooxda Daacish ay daliil u soo qaataan hadal uu leeyhay Sheekh  islaam Ibnu Taymiyaha oo horay iyo gadaal laga gooyey oo ay dhinac maraan hadalii Nebigeen Muhamed NNKH ee ahaan in qofna aan dab lagu cadaabin ka dibna ay sheegtaan in ay yihiin Salafiya Jihaadiyah taas oo ah mid beentood ah.

Sh.Maxamed Al-Maqdasi ayaa si cad u sheegay in hogaamiyaasha kooxda Daacish ay qaar kood ay ka mid ahaayeen XisbulBacthigii Ciraaq ee Sadam Xuseen uu ka ahaa hogaamiyaha sidaas dartood aysan kala miisaamin karin Maxaa Maslaxaha ugu jirtaa Muslmiinta iyo Maxaa Mafsado ugu jirtaa.

Ugu danbayntii ayaa Sh.Maxamed Al-Maqdasi waxaa si cad u sheegay in kooxda Daacish ay qaadayso dilka lagu fuliyey Sajida Mubarak Atrous al-Rishawi ka dib markii ay nolasha ku gubeen  duuliyihii reer Urdun Mucaad al-Kasabeh .

Hoos ka Daawo waraysiga uu Sh Maxamed Al-Maqdasi uu siiyey Tv-ga Dalka Urdun

Source Tv-ga dalka Urdun

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online