Booliska Denmark oo Xaqiijiyey in ay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein
February 15, 2015 - Written by EditorDenmark:-Booliska Denmark ayaa xaqiijiyey in ay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein oo weeraro kala duwan ka geystay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark waxaana weerarada uu geystay Omar Abdel Hamid El-Hussein uu ku qaaday xaunta dhaqanka iyo Kaniisada ay leeyihiin Yahuuda.
Labada weerar uu qaaday Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 5 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee dalka Denmark.
Booliska dalka Denmark ayaa heegan buuxa la geliyay waxaana ay baaq u direen shacabka iyaga oo ugu baaqay in ay digtoonaadaan xiliga ay ku sugan yihiin goobaha dadku ku badan yihiin.
Booliska magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark ayaa sheegaya inay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein waxaana warbaahinta dalka Denmark ay aad u qaadaa dhigayaan cida uu ahaa Omar Abdel Hamid El-Hussein .
Halgan.net ayaa idiin soo koobi doonta cida uu yahay Omar Abdel Hamid El-Hussein iyo wax ay warbaahinta dalka Denmark ka sheegeen hadii alle idmo.
A/Osman
Halgan.net