Booliska Denmark oo Xaqiijiyey in ay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein

February 15, 2015 - Written by Editor

OmarDenmark:-Booliska Denmark ayaa xaqiijiyey in ay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein oo weeraro kala duwan ka geystay magaalada  Copenhagen ee caasimada dalka Denmark waxaana weerarada uu geystay Omar Abdel Hamid El-Hussein uu ku qaaday xaunta dhaqanka iyo Kaniisada ay leeyihiin Yahuuda.

Labada weerar uu qaaday Omar Abdel Hamid El-Hussein ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 5 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee dalka Denmark.

Booliska dalka Denmark ayaa heegan buuxa la geliyay waxaana ay baaq u direen shacabka iyaga oo ugu baaqay in ay digtoonaadaan xiliga ay ku sugan yihiin goobaha dadku ku badan yihiin.

Booliska magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark ayaa sheegaya inay toogteen Omar Abdel Hamid El-Hussein  waxaana warbaahinta dalka Denmark ay aad u qaadaa dhigayaan cida uu ahaa Omar Abdel Hamid El-Hussein .

Halgan.net ayaa idiin soo koobi doonta cida uu yahay Omar Abdel Hamid El-Hussein  iyo wax ay warbaahinta dalka Denmark ka sheegeen hadii alle idmo.

A/Osman
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online