Ciidaanka DFS oo soo bandhigay laba qof oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho
February 19, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee DFS uu saaka soo bandhigay ragg lagu eedeynayo inay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maalmo ka hor ayaa kooxda Al-Shabaab waxay dhagar ku dileen shaqaale ka shaqeyn jiray Saadaasha Hawada Soomaaliya iyo Garoonka Aden Cadde .
Afhayeenka ciidanka Booliska DFS Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan labo ruux oo qeyb ka ahaa dilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska DFS halka mid kale ay dileen .
Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee DFS Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in raga ay maanta soo bandhigeen ciidanka Booliska DFS ay maalmo ka hor ku dileen agagaarka KM4 saraakiil ka shaqeynaysay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.
Ciidanka DFS qeybahooda kala duwan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxha amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo dilal gaadmo ah ka geysta magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ayna soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.
A/Cawale
Halgan.net