Ciidaanka DFS oo soo bandhigay laba qof oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho

February 19, 2015 - Written by Editor

5Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee DFS uu saaka soo bandhigay ragg lagu eedeynayo inay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayaa kooxda Al-Shabaab waxay dhagar ku dileen shaqaale ka shaqeyn jiray  Saadaasha Hawada Soomaaliya iyo Garoonka Aden Cadde .
Afhayeenka ciidanka Booliska DFS Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan  labo ruux oo qeyb ka ahaa dilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska DFS halka mid kale ay dileen .

Sidoo kale  Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee DFS Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in raga ay maanta soo bandhigeen ciidanka Booliska DFS ay maalmo ka hor ku dileen agagaarka KM4 saraakiil ka shaqeynaysay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.

Ciidanka DFS qeybahooda kala duwan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxha amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo dilal gaadmo ah ka geysta magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidanka amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ayna soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online