Dagaal saaka mar kale ka bilowday Degmada Guriceel ee Gobolka Gal-gaduud
February 24, 2015 - Written by EditorGuriceel:-Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka mar kale uuka qarxay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu hadda ka soconayo Barriga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaan muuqata in laga la jebiyey nabadii ay ku baaqeen dhamaan Cuqaasha , Nabadooda , Culimada Gobolka Gal-gaduud.
Agaasimaha Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cali Cumar Tarabi ayaa xusay in 2 qof oo dhaawac ah la soo gaarsiyey isagoo walaac ka muujiyey in dagaalku uu sii xoogaysto ka dibna dad badan oo rayid ah iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay micno daro isku laayaan.
Agaasimaha Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cali Cumar Tarabi ayaa sidoo kale sheegay in magaaladu ay ka taagan tahay xiisad mana ah buu yiri mid degan maadaama Koonfurta magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa suufiyadda ee la baxay Ahlusunna oo isku haya gacan ku haynta Gobolka Gal-gaduud.
Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddii alle idmo.
A/cawaale
Halgan.net