Dagaal saaka mar kale ka bilowday Degmada Guriceel ee Gobolka Gal-gaduud

February 24, 2015 - Written by Editor

dagaalGuriceel:-Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka mar kale uuka qarxay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu hadda ka soconayo Barriga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaan muuqata in laga la jebiyey nabadii ay ku baaqeen dhamaan Cuqaasha , Nabadooda , Culimada Gobolka Gal-gaduud.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cali Cumar Tarabi ayaa xusay in 2 qof oo dhaawac ah la soo gaarsiyey isagoo walaac ka muujiyey in dagaalku uu sii xoogaysto ka dibna dad badan oo rayid ah iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay micno daro isku laayaan.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cali Cumar Tarabi ayaa sidoo kale sheegay in magaaladu ay ka taagan tahay xiisad mana ah buu yiri mid degan maadaama Koonfurta magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa suufiyadda ee la baxay Ahlusunna oo isku haya gacan ku haynta Gobolka Gal-gaduud.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddii alle idmo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online