DEG DEG: Dagaal dib uga qarxay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

February 12, 2015 - Written by Editor

Breaking-NewsGuriceel:-Wararka aan saaka ka helayno Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in  dagaal uu dib uga qarxay Degmada Guriceel ka dib markii ay ciidamo ka tirsan DFS ay duulaan ku qaadeen kooxda Suufiyada ee maalin ka hor qabsatay Degmada Guriceel.

Dgaalka ayaa haatan wuxuu ka socdaa Duleedka Degmada Guriceel waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan .Ciidamada kooxda la baxday Ahlu suna ee Suufiyada ah ayaa la arkayaa iyaga oo gurmad u diraya furinta hore ee uu dagaaalka ka socdo.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Guriceel ayaa ka barakacay magaalada waxaana dhawaqa rasaasta iyo Tiknikada laga maqlayaa duleedka magaalada.

Ciidanka DFS oo saaka ka yimid Degmada Dhuusa mareeb ayaa waxaa ka go,an in ay ka saaraan kooxda Suufiyada Degmada Guriceel iyaga oo saraakiil ka tirsan DFS ay sheegeen in ay dagaalka ku gacan sareeyaan.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Galgaduud ayaa taageero u fidinaya labada dhinac ee birta iska aslaya waxaana dhibaatada badan ay soo gaareysaa shacabka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa wili ka socda Duleedka Degmada Guriceel waxaana iska caabin muujinaya kooxda Suufiyada ee horey u qabsaday Guriceel.

Waxgaradka iyo Cuqaasha gobalada dhexe ayaa ku tilmaamay dagaalada dib uga soo cusboonaaday Guriceel mid nasiib daro ah xili uu soco qorshe lagu sameynayo Maamul gobaleed gobalada dhexe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online