Dhalinyaro falal amni xumo ka geystay habeenkii magaalada Laascaanood
February 12, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maalmihii u danbeeyey laga dareemayaa xaafaddaha kala duwan ee magaaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool falal amni daro oo ay ku kacayaan koox dhalin yaro ah oo dadweynaha u geysanayaan dhac , boob , kufdi iyo tuuganimo.
Kooxahaan dhalinyarad ah ayaa xaafaddaha magaalada Laascaanood lagu arkaa habeenimadii iyagoo ku riday dadweynaha magaalada argagax iyagoo wata waraaqo ay ku qoran tahay ku nasiibso, ama tijaabi nasiibkaaga.
Intaas ka dibna ciqaab iyo falal fool xun kula kaca qofka ay qabtaan iyagoo mar walba ku ciqaaba wax u soo baxa qof arrimahaas oo dadweynaha ku abuuray cabsi iyo walwal.
Ciidanka amaanka ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa magaalada ka bilaabay xalay howl galo lagu qabqabtay dhalinyaro fara badan oo lala xiriirinayo falal amaan daro in ay ka geysteen magaalda waxaan lagu xiray xabsiga magaalada Laascaanood.
Ugu danbayntii bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid dhaqamada cusub ee magaalada Laascaanood ay ku soo kordhiyeen dhalinyaradaan oo iyago kula kacay bulshada dhac , Boob , Kufsi, iyo Jirdil.
Halgan.net