Dr. Abdisalam Omar Hadlie oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda la wareegay

February 14, 2015 - Written by Editor

Xil wareejinMogadisho:-Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdisalam Omar Hadlie ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo hayay xilkaasi muddo sanad ah .

Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaardda Arrimaha Dibadda ee Magaalada Muqdisho , kana qeybgaleen Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka H.E. Mohamed Omar Arte , Wasiiro , Xildhibaano , Hey’adda Hantidhowrka Qaranka , Safiirada , diblomaasiyiinta , saraakiisha amniga , shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo marti sharaf kale .

Hadal kooban oo uu madashaasi ka Jeediyay Siihayaha Xoghayaha joogtada ee Wasaardda Arrimaha Dibadda Yusuf Ali Mohamed ( Yusuf Afgooye) ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddu sanadkan ay u qorsheysan tahay fulinta mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa u mahadceliyay Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Mahad Mohamed Salad oo uu ku sheegay mas’uuliyiin ay si wacan uga wada shaqeeyeen danaha qaranka .

Wasiirkii hore ayaa qabay fikir ah in howlgab laga dhigo qaar ka mid ah Safiirada , lana soo xiro qaar ka mid ah Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda .

Dhankiisa , Wasiirka cusub Dr. Abdisalam Omar Hadlie ayaa sheegay in uu ku shaqeyn doono cadaalad  , kuna faraxsan yahay inuu shaqo la wadaago safiiro khibrad qoto dheer leh , albaabkiisuna uu yahay mid u furan u adeegidda danta qaranka .

Waxaa Xafladda soo xiray , Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mohamed Omar Arte oo xusay inuu aamisan yahay inaan la xirin Safaaradaha oo wanaagga iyo sumcadda ay ku jirto in la balaariyo , waxa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee  ay soo martay Wasaaradda Arrimaha Dibadda , waxa uu yiri “ Waxaa ii farxad ah inaan arko danjirayaal la soo shaqeeyay aabahey Omar Arte , waxaan halkaan joogi jiray anigoo yar “.

no images were found

Kusimaha Ra’iiusl wasaaraha ayaa sheegay in dib looga fiirsan doono go’aano horey u soo baxay oo qeexayay in Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dibadda ku yaala la yareeyo , lana xiro qaarkood , isagoo muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay tahay muraayadda iyo halbowlaha qaranka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online