Faahfaahin dablay weerartay Saldhig Boolis oo ku yaal Boosaaso
February 4, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya saaka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in xalay dablay hubaysan oo gaaraysa 5 dhalinyaro ah ay Bam gacmeedyo iyo rasaas huwiyeen Saldhiga Booliska ee Baalade ee Boosaaso.
Saldhiga Booliska Baalade ayaa waxaa uu ku yaal Waqooyi Galbeed ee Boosaaso gaar ahaan Xaaafadda Baalade waan Saldhig Boolis oo aad u yar waxaan xiliga weerarku dhacay ku sugnaa Saldhiga saddex askari oo mid ka mid ah uu weliba ka shaahaynayey goob ka durugsan Saldhiga.
Dablayed weerarka geysatay ayaa waxaa ay gubeen gaari Boolis oo yaalay dibada hore ee Saldhiga waxaan iska horimaad uu dhexmaray labo askari oo ku sugnaa Saldhiga oo ku guulaystay in ay iska difaacaan dableydii soo weerartay Saldhiga Baalade.
Kooxda dablayda ah ayaa goobta ka baxsaday iska horimaad kooban ka dib waxaan goobta soo gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan Puntland iyagoo bilaabay howl galo ay ku raadinayaa dablaydii fulisay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiga Baalade.
Ila hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dhacdadii xalay balse dadka odorasa siyaasada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jabhadaha ayaa ku tilmaamay weerarrada Bamgacmeedka ah iyo Arbushka ay Al-shabaab iyo taageerayaashooda ay ka samaynayaan Boosaaso iyo Gaalkacyo in ay tahay in taageerayashooda u sheegaan in aan weli la wiiqin awoodoodii oo ay weli nool yihiin dagaalna ay kula jiraa Ciidanka Dowladda Puntland oo iyagu horay u sheegay in awoodii Al-shabaab ay wiiqeen ka dib dagaal ka dhacay Buuraha Golis.
M_M_Deeq
Halgan.net